Masar oo Codsi u dirtay dalal ay ku jirto Soomaaliya 

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Masar, Akef El-Maqrabi ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Koowaad ee Shirka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Afrika ee IPAs ee shalay lagu qabtay magaalladda loo dalxiis-tago ee Sharma-Sheekh ee dalka Masar.

Guddoomiye Akef El-Maqrabi ayaa waxaa uu tilmaamay inuu Bangiga Masar ka codsanaayo dalalka Somalia, Jabuuti iyo Kenya,  Laysin ay kaga shaqeysan karaan dalalkaas.

Bangiga Masar waxa kale oo ka hawlgalaa 4 Waddan oo Afrikaanj ah, iyadoo uu horey Farac uga furteen dalka Ayfori Kosti.

Bangigaasi oo la asaasay sanadkii 1920-kii, waxay Dowladda Masar la wareegtay ama qaramaysay Xilligii Madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Marxuum Jamaal C/naasir Xuseen sanadkii 1960-kii.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Masar, Mustafa Madbuuli waxa uu bilowgii bishii April ee sanadkii 2019-kii la kulmay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad oo ay ka wada hadleen Is-dhaafsiga Ganacsiga ee Somalia iyo Masar iyo sidii Faraca Bangiga Masar oo ay Dowladda Masar leedahay looga furi lahaa Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor