Wasiir Cismaan Ciise Nuur “Taar-dhuleed” ayaa hadalkaasi ka hor sheegay mar uu ka jawaabay su’allo ay weydiiyeen Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug.
Waxa uu tilmaamay inay rajeynayaan inay maalmo gudahooda kula wareegi doonaan magaalladda Dhuusamareeb oo uu tilmaamay inay tahay Caasimadda Rasmiga ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.
Waxa kale oo uu ka warbixiyey Hawlgalladda ay Wasaaradiisa ku sugayso Ammaanka, isagoo sheegay inay wax ka qabteen Isbaarooyin yaallay duleedka Cadaado.
Dhinaca kale, Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, Cismaan Maxamed Cali Socdaal ayaa isagana maanta hor tegay Kulanka ay Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug kula xisaabtamayaan Madaxda Galmudug, wuxuuna xusay inaysan Wasaaradiisu haysanin Xafiisyo ay ku hawl-galaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Wasaaradaha hoos tagaan Xarunta Madaxtooyadda ee Maamulkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, La-xisaabtanka Barlamaanka Galmudug ku hayaan Wasiiradda Xukuumadda ayaa ku soo beegantay iyadoo uu Maamulkaasi ku shaqeynayo Dhaqaale la’aan.
©Radio Dalsan