Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa dib ugu soo laabtay wafdi Wasiiro oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad,waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale,kuwaasi oo dhammaantood kasoo jeeda Puntland.
Sidoo kale Wasiiradan ayaa Boosaaso kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay ku guuleysteen in la soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Puntland.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayuu tilmaamay in Madaxweynaha Puntland iyo dowladda ay ku kala aragtiyo duwan yihiin Arrimaha Jubbaland oo khilaaf xoogan dowladda kala dhexeeyo.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa iska diiday dalab uga yimid dowladda Federaalka oo ahaa inuu ka baaqdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,isla markaana joojiyo taageerada uu siinayo maamulkaas.
Si kastaba Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta lagu waday inuu safar ugu ambabaxo Magaalada Kismaayo,hayeeshee waxaa lagu wadaa Deni inuu Maalinta Berri ah tago Kismaayo.