Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo Heshiis Kala Saxiixday

Heshiiska ay wada gaareen Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxa uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya waxa heshiiska u saxiixay Danjiraha u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Cabdulqaadir Sheikhey Maxamed Al-Xaatimi Halka Imaaraadkana uu u saxiixay Maxamed Mir Cabdullahi Al Raisi oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka.

Heshiiska waxa uu ku saabsanaa Heshiiska Afti Isfahameed (MOU) lkn Dowladda Soomaaliya weli faahfaahin badan kama aysan bixin heshiiskan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor