Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jabuuti oo Ku soo Wajahan Muqdisho

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Wafdi la socda ayaa ku soo wajahan Maanta Magaaladda Muqdisho.

Wafdiga waxa kamid ah Xubno ka socda Dowlad Goboleedka Ismaamulka Soomaalida Dalka Itoobiya.

Ujeedada booqashadda Wafdigan Ma cadda lkn waxa jira Warar sheegaya inuu ka qeybgali doono Munaasabadda Maalinta Afafka Caalamiga ee 21 Febraayo oo berito ku beegan.

Ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxana Wadooyinka laga taagay Calanka Dalka Jabuuti.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor