Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye oo ka mid ahaa wefdigii dowladda uga qeybgalay Shirkii ka dhacay Jabuuti ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Cabdi Maxamed Sebriye ayaa sheegay in kulamadaan ay ahaayeen kuwa muhiim ah oo loogu gogol xaaray sii socoshada wadahadalada labada dhinac iyo in la abuuro Kalsooni ay kusii socdaan arrinkaas oo uu sheegay in ay ka shaqeynayaan guddiyo loo saaray.
Dhinaca kalana waxa uu sheegay in guddiyadaan ay kala howl duwanaan doonaan isla markaana ay ka koobanyihii guddiga heer wasiir oo kulmi doona 45-cisho kadib iyaga oo qiimaynaya dhaqangalka wixii lagu heshiiyay,iyo guddiga kale oo shir iskugu imaan doona 15-cisho kadib.
Wasiirka ayaa tilmaamay in shirka inta uu socday lagu lafa guray qodobo xasaasi ah oo labada dhinac ay miiska saareen tabashooyinka,isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in la gaaro xal dan u ah Soomaaliya.
Labada dhinac ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa shirkii Jabuuti uga socday kasoo saaray ilaa 5-qodob oo hordhac ahaa kuwaas oo dhabbaha u xaaraya sii socoshada wadahadalada.