Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Salaadii maqrib kadib ee Caawa ka dhacay Xaafada Fagax degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.
Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa Caawa Maqaaxi ku taalla agagaarka Isgoyska Fagax waxa ay ku weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Gooobjoogayaal ayaa wax ay sheegeen in Ciidamada la wareeray aysan wadan tuutaha Ciidanka,hayeeshee ay wateen bustoolado,isla markaana mid ka mid ah la dilay kaas oo lagu Magacaabi jiray Axmed Nuux,halka mid kale la dhaawacay.
Dadkii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca ayaa gobta ka baxsaday,waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo goobta howlgallo ka sameeyay.
Dilalka loo geysanayo Ciidamada Dowladda ayaa mar walba waxa uu ka dhacaa degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir,waxana inta badan sheegta Al-Shabaab.