Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inuu Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Xasan Nuur khatar ugu jiro in laga saaro xubnaha Maamulka HirShabelle ย ee ku tartamayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Wasiirka ayaa la sheegay inay Ilaaladiisa ku lug lahaayeen Is-rasaasayn xalay ka dhacday magaalladda Jowhar, oo ay 6 qof ku dhaawacmeen.
Guddiga Doorashadda Maamulka HirShabelle ayaa hakiyey Doorashadda, waxaana la furay baaritaan la xiriira Iska-horimaadkaasi oo ay ku lug lahaayeen Ilaalo kala taabacsanaa Wasiir Nuux.
Wasiirka ayaa la sheegay inuu rabshado ka dhex abuuray Hoolka cod-bixinta kadib, markii looga guuleystay Doorashadda oo ay ku tartamayeen Musharax Axmed Sheekh Nuur Tima-cade.
Ma aha markii ugu horreysay ee uu Musharax dagaal ka kiciyey goobaha Doorashadda, waxayna Guddiga Federalka ee Doorashadda ka mamnuucday inuu isa soo sharxo iyadoo Musharaxย u taagnaa xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka K/Galbeed uga mid noqon lahaa Barlamaanka Federalka.
Musharaxaasi ayaa laga mamnuucay inuu ka mid noqdo Barlamaanka Federalka, kadib, markii ay Ilaaladiisa 6 qof ku dileen magaalladda Baydhabo.
ยฉRadio Dalsan