Magaaladda Jowhar waxaa xalay ka dhacay is-rasaaseen xoog badneed oo u dhexeysay ciidamo daac u ah wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo ciidamada ilaadda xaruunta doorashada aqalka hoose.
Rasaasta ayaa waxaa ay bilaabatay iyadoo lagu guda jiro Doorashada Kursiga Beesha Jidle ee Gugundhabe, waxaana Ku tartamayey Saddax Musharax waxaana Wareegga koowaad lagu kala adkaaday sida tan.
- 1) Wasiir Nuux ayaa helay 21 Cod.
- 2) Nuur Bocor ayaa helay 6 Cod.
- 3) Iyo Musharax Ciro ayaa helay 24 Cod.
Wareegii labaad markii loo gudbay waxaa ka haray Doorashada Nuur Bocor waxaana tartanka sii watay Wasiir Nuux iyo Ciro waxa ayna kala heleen min 23 Cod Waxaana ka aamusay 5 Qof.
Halkaas marka ay mareyso oo Howlkana lagu jiro ayaa waxaa la damiyey Leyrkii Howlka waxaana Dagaal uu dhexmaray Ergada Dooraneysaa Musharixiinta waxaana la isku garaacay kuraastii.
Intaa ka dib Hogaanka dhaqanka Beesha Jidle ayaa go’aamiyey In Doorashada berito loo dhigo waxaana diiday mid ka mid ah Musharixiinta.
Bannaanka Howlka markii loo soo baxay waxaa bilowday Israsaaseyn Culus taana waxaa sabab u ah Musharixiinta oo aad u hubeysnaa,waxa ayna wateen illaalo iyo Tikniko.
Xaaladda si caadi ah ayee Ku soo laabatay, waxaana guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle lagu wadaa in go’aan ka soo saaraan buuqii iyo shaqaaqadii xalay ka dhalatay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Jidle ee Gugundhabe.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Guddiga doorashada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga laga saaro tartanka doorashada, kaddib markii uu rabshad ka dhaliyay goobtii ay ka socotay doorashada.