Mohamed O. Samantar oo 60 jir ayaa la soo taagay Maxkamadda Gobalka Minesota, kadib, markii lagu qabtay isagoo ka ganacsanayo Qaadka, oo uu dadka u geynayey.
Eedeysane Mohamed O. Samantar ayaa la sheegay inay Boliska Gobalka Illionois ku qabteen Qaad bishii June ee sannadkii hore.
Boliska waxay sheegeen inay baareen gaari uu ku kireysnaa Eedseysanaha oo uu kaxeynayey Cawil Aadan, kana heleen Qaad culayskiisu dhamaa 150 Pounds.
Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha, Erika Reynolds ayaa doonayey in Eedeysane Samantar lagu xukumay 30-sanno, isagoo xusay in Qaadka laga helay gaarigiisa uu qiimo ahaan Waddada ka joogo lacag dhan 30,000 oo Dollar.
Dacwad-oogaha ayaa isagana tilmaamay in Eedeysanaha la rumeysan yahay inuu qaadka u waday Gobalka Iowa, inkastoo Boliska u sheegay inuu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay Gobalka Jorjiya oo ka soo qaaday Qaadka lagu qabtay.
Eedeysane Mohamed O. Samantar ayaa isaga lagu xukumay Xabsi 18-sanno ah, halka Dareewalka Cawil Aadan ayaa bishii September qirtay Dembigiisa, waxaana lagu xukumay xabsi 24 bilood ah.
©Radio Dalsan