Taliye-xigeenka Ciiddanka Dhulka ee Milliteriga Uganda, Sarreeye Gaas Sam Kavuma waxa uu hadalkaasi sheegay Isniintii la soo dhaafay mar u ula hadlayey 70 xubnood oo ka kala socday Milliteriga 13 Waddan oo Afrikaan ah, kuwaasi oo haatan kulan ku leh magaalladda Jinja ee Galbeedka Uganda.
Ka-qeybgalayaasha waxay diyaarinayaan qorshihii ugu dambeeyey Carbiska Taliska Hoggaaminta oo bisha soo socoto ka dhici doona dalka Uganda.
Sarreeye Gaas Sam Kavuma waxa uu Dowladaha Afrika ugu baaqay in la soo gebagebeeyo waxa u uugu yeeray Dagaalladda aan lama huraanka ah “Unnecessary Wars” ee ka socda qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.
Waxa kaloo uu ka codsaday Ka-qeybgalayaashii uu la hadlay inay diiradda saaraan sidii loo soo af-jari lahaa Dagaalladaasi iyo inay ka fekeraan sida ugu caqligalsan Qorshe horseedi karta Nabadda Guud ee Afrika.
Dagaalladda aan lama huraanka ahayn ee halakeeyey Afrika waa in la joojiyaa” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda.
Waddamadda Afrika ee ay ka socdaan Dagaalladda noocaasi ah waxaa Tusaale loo soo qaatay dagaalladda ka socda dalalka Somalia, Burundi, Koonfurta Suudaan, Kongadda Dimuqraadiga iyo Liibiya.
Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Ciiddanka Dhulka ee Milliteriga Uganda, Sarreeye Gaas Sam Kavuma waxa uu u mahad celiyey dalalka sida xilkasnimadda leh u asaasay Ciiddanka Afrika ee sida ugu dhaqsaha badan u faragelin kara dalalka Afrika ee ay xiisaduhu ka jiraan.
Dalalka xubnaha ka ah Ciiddankaasi degdegga loo hawl-gelin karo waxay kala yihiin Masar, Tanzania, Rwanda, Senegal, South Africa, Sudan, Angola, Benin, Burkano Faso, Chad, Niger iyo Uganda.