Ciidamada Puntland oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Gaadiid

Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF oo ay weheliyaan ciidanka PISF ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay deegaano ka tirsan buuralayda Calmadaw ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ka fuliyeen howlgalo qorsheysan.

Ciidamada ayaa howlgalka si wadajir ah uga fuliyey deegaanada kala ah Ceel-dibir, Majiyahan, Ceel-kharaar, Dhadhaabo iyo Macag, kuwaasi oo dhammaantood ku teedsan buuralayda Calmadaw ee Gobolka Bari, kuna sugan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka PMPF  ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo la sheegay inay u fududeyn jireen gaarsiinta Sahayda (raashinka) dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan Calmadaw.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa intaas kusii daray in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen gaadiidkii ay adeegsan jireen xubnaha la qabtay, waa sida hadalka loo dhigay, sidoo kalena lama xusin tirada raggaas la sheegay in la qabtay.

Ciidanka Sirdoonka gaar ah ee dowlad Goboleedka Puntland (PISF) iyo kuwa Ciidanka PMPF ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish ka fuliyey deegaano ka tirsan buuralayda Calmadaw.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor