Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Somalia, Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa” ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Warbaahinta Alnashra ee laga leeyahay dalka Lubnaan, wuxuuna soo dhaweeyey Dhexdhexaadinta ay Dowladda Turkiga ugu kala dab-qaadayso DFS iyo Somaliland.
Ismaaciil Buubaa oo Xildhibaan iyo Wasiir ka soo noqday Dowladihii Somalia waxa uu Wareysigiisa ku xusay inay suurto-gal tahay in Dhexdhexaadintaasi laga gaaro Horumar.
Sidoo kale, waxa uu Dowladda Turkiga ugu baaqay inay Kaalmooyinka ay siiyaan Somalia ballaariyaan, isla markaana Somaliland laga siiyo saamiga kaalmooyinkaasi loogu talagalay guud ahaan Dadka Soomaaliyeed.
Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa” waxa kaloo wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Midnimadda Somaliland iyo Somalia, waxa uu tilmaamay in Geeska Afrika u baahan tahay Somalia iyo Somaliland oo mideysan, si loo helo nooc kale oo tayo dheeraad ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Xigasho: elnashra.com