Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka duulaysa horumarinta caafimaadka iyo in la daadajiyo maamulka caafimaadka oo la gaarsiiyo heer degmo ayaa maanta waxay kulan la qaadatay maamulka degmada Garowe, oo la qorshaynayo in lagu wareejiyo maamulka baraha caafimaadka tuulooyinka degmada.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay qorshaha wasaaraddu ku doonayso in la daadajiyo maamulka caafimaadka lana gaarsiiyo heer degmo si loo hormariyo caafimaadka iyo in si dhaw degmadu uga war hayso heerka ay marayso caafimaadka degmadaasi.
Agaasimaha ayaa sheegay in qorshahan wasaaraddu mudo ka soo shaqaynaysay looguna talagalay in kor loo qaado adeega caafimaadka ee la siiyo bulshada ayna uwada gaarto miyi, tuulo iyo magaalo, waxaana uu faray maamulka degmada Garowe hadii qorshahan ay ka mira dhaliyaan ay horseedi doonto in dhamaan degmooyinka lagu wareejiyo ayna hoostagaan maamulka caafimaadka tuulooyinka hoos yimaada.
Duqa Degmada Garowe Axmed Muuse oo isna shirka ka hadlay ayaa ugu horayn soo dhaweeyay bogaadiyayna in wasaaraddu ay ku kalsoonaatay in degmooyinka lagu wareejiyo maamulida baraha caafimaadka.
Waxa uu xusay duqa magaalada inuu sida ugu wangsan ugala shaqayn doono wasaaradda horumarinta iyo kor uqaadida adeega caafimaadka.