Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Shacabka ku nool Magalada Muqdisho soo wacayay lambaro dad badi shaki ku abuuray,lambaradaas oo ah kuwa laga isticmaalo meel ka baxsan Soomaaliya,iyada oo sidoo kale Baraha Bulshada si aad ah looga hadal haayey.
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa.
Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan,ayaa lagu yiri War ka soo baxay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya.