Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa Goordhow soo gaaray Madaxweynaha Cusub DDSI Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar oo maal mahaan ku sugnaa Magalada Adis Ababa.
Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey Wafdigiisa.
Intii uu ku sugnaa Magalada Adis Ababa Madaxweyne Mustaf Xagjar ayaa waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Soomaalida ku nool Adis Ababa,isaga oo kala hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa Nabada ka jirta dowlad deegaanka.
Sidoo kale waxa uu sheegay xilli uu la kulmay Madax ka tirsan dowlad deegaanka iyo la badalayo dhawaan Magaca deegaanka iyo Calanka,isla markaana,isagu uu dadka xuriyad u siinayo inay dhaliilaan.
Maalinta berito ah ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulan ay yeelan doonaan Xildhibaanada Shacabka Dimuqraadiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida ,iyaga oo la filayo inay ka hadlaan bedelida Calanka iyo Magaca Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.