Wasaaradda Amniga oo Warka soo saartay rabshadaha ka socda Baydhabo

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa looga hadlay rabshadaha Maalintii labaad ka socda Magalada Baydhabo ee G/Baay.

Qoraalka Wasaaradda amniga kasoo baxay ayaa waxaa Shacabka Magalada Baydhabo loogu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida.

Sidoo kale Shacabka ayaa laga dalbaday inay la Shaqeeyaan kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxana la faray laamaha Amniga ka Shaqeynta Amniga Magalada Baydhabo oo ay weli rabshado ka dhacayaan.

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Gudaha Baydhabo galay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya,waxaana la sheegay in xaalada Magalada ay iminka tahay mid sidii hore ka wanaagsan.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor