Beesha Caalamka oo si kulul uga hadashay dhacdooyinka ka socda Baydhabo

War-saxafaadeed ay Dowladaha Caalamka iyo Ururadda wada-shaqeynta la leh DFS soo saareen waxay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka ka socda Dowlad-gobaleedka K/Galbeed Somalia, waxayna Tacsi u  direen  geridii Xildhibaankii ka tirsanaa Barlamaan-gobaleedka K/Galbeed iyo dadkii kale ee ku geeriyootay qalalaasha ka dhacay magaalladda Baydhabo.

Qoraalka waxaa lagu xusay inaad u cambaareynayaan dhamaan Qalalaasa kasta iyo falalka kale ee sii xumeyn kara Xaalladda Samafalka Aadminimo.

Beesha Caalamka waxay  hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay Taageero Mideysan oo ku aadan Jadwalka Shaqo ee lagu heshiiyey ee lagu maamulayo Doorashooyinka, waxayna  ku booriyeen  dhamaan dhinacyada inay xushmeeyaan daacadnimadda ee dadaalka Hawlaha Doorashadda.

Ugu dambeyntii, Qoraalka Beesha Calaamka waxay sheegeen inay dhiiri-gelinayaan Wada-xaajoodka wax dhisayo si loo xaliyo Kala-duwanaanshaha Siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo Geeddiga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Somalia.

Qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka waxaa ku saxiixnaa  QM, Midowga Europe, AMISOM iyo dalalka Maraykanka, Britain, Sweden, Norway, Denmark, Finland, Faransiiska, Holland, Jarmalka, Turkiga, Talyaaniga, Ireland, Kenya, Uganda iyo Switzerland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media