Wariye u shaqeyneysay warbaahinta dowlada oo lagu dilay Muqdisho

Allaha u naxariistee Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo u shaqeyneysay warbaahinta dowlada Soomaaliya ayay koox hubeysan waxa ay Maanta ku dilen magaalada Muqdisho.

Wariye Sagal ayaa lagu toogtay Xaafada Banaadir Dagmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sagal ayaa kamid ahayd arday Jaamacada Plasma ee magaalada Muqdisho sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay ay Dalsan u sheegen,waxa ayna ku sugneyd waqtiga la dilayay agagaarka Jaamacada.

Kooxdii dilka geysatay oo adeegsanayay mootada bajaajta ayaa goobta isaga baxsaday sida ay qortay Wakaalada Wararka SONNA.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor