Maamulka Somaliland oo ku baaqay joojinta dagaal beled ka socday gobolka Sool

Maamul goboleed Somaliland ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal labadii cisho ee la soo dhaafay ka socday gobolka Sool ee maamulkasi.

Dagaalka waxa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux,waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka sii badan sida saraakiisha Somaliland laga soo xigtay.

Afhayeenka maamulkasi Cismaan C/llaahi Saxar-diid ayaa ugu yeeray labadasi maleeshiyo beeled iney joojiyan dagaalada ka socday gobolka Sool.

Maamulka somaliland ayaan weli xal rasmi ah u helin dagaalada ku soo noq noqday gobolkasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor