Ciidamada dowlada oo xiray ciidamo AMISOM iyo dowlada ka tirsan

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 5 askari oo ciidamada AMISOM ka tirsan iyo 10 Soomaali ah oo qalabka militariga AMISOM ku iibinayay garaash ku yaala isgoyska banaadir ee Muqdisho.

Wakaalada Wararka Soomaaliya Ee SONNA ayaa sheegeysa in Ciidamadan cadaalada la hor keeni doono iyaga oo soo xiganaya xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in arintan aan la aqbali karin,lana qaadi doono talaabo ka dhan ah arintasi.

Qalabka militariga AMISOM oo ay ku jiran dareeska iyo gawaarida ciidanka ayaa hore loogu arkay dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab oo ku weeraray xarumaha dowlada iyo kuwa AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor