Kooxo hubeysan ayaa Caawa Xaafada Odweyne ee degmada Deeyniile Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nin la Sheegay in uu barre ka ahaa mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho .
Ninkaan oo Magaciisa ay goobjoogayaal ku sheegeen Ismaaciil Cadoow Nuur ayaa la sheegay in uu inta aan la dilin ka hor ka soo baxay Garaash uu ku xareestay Baabuur uu lahaa balse ay dileyn rag bustoolado ku hubeysnaa.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu dilka u dhacay iyo xaalada Goobtii uu Caawa dilka ka dhacay.
รขโฌล Markii laga soo baxay salaadii cishaha ayaa yar dhalinyaro ah oo runtii Khamiis watay oo gaari nooca raaxadaha ah garaash ku yaalla Xaafada ku xareestay markii uu ka soo baxay inta uusan gurigiisa gaarin waxaa wadada u galay laba dhalinyaro ah oo bustoolado watay waxayna laba xabadooda madaxa kaga dhufteyn goobtii ayuuna ku geeriyooday,dadka xaafada laga yaqaanana kama mid aheyn ninkaas dadkii dilka ka dambeeyayna wey baxsadeen ayuu yiri Goobjoogahaรขโฌย
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii shacabka ahaa ee Xaafada deganaay ay Jeebkiisa kaas oo saareen laba ID Card ama Aqoonsiga Shaqada oo ay kula qornaayeen in uu Macalin ka yahay Jaamacadda Soomaaliya iyo mid uu ugu Shaqeynayey Hayรขโฌโขadda Bisha Cas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa goobta gaaray wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka Wiilkaasi Dhalinyadra ahaa oo la sheegay in uu ahaa Macalin Jaamacadeed.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Qofka goobjoogaha ah.