Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkan 2020/2021.
War-saxaafadeed kasoo baxay Mdashada Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka cagajiideyso in dalka doorasho dhacdo, ayna dardar gelin la’day taaba gelinta hanaanka xisbiyada badan ee haatan dalka ka jira.
Qoraalka Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhacaan waqtgii loogu talagalay, isla markaana aysan dhicin wax muddo kororsi ah oo ay sameeyaan Madaxda talada dalka heysa.
Madasha Xisbiyada ayaa tilmaamay in dowladda iyo dowlad Goboleedyada dalka jira looga baahan yahay inay u qoondeeyaan dhaqaalo doorashooyinka soo socda, sidoo kalena hanaanka Doorashada dalka inuu noqdo mid mideysan oo isku mid ah.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada.