Al Shabab oo la wareegay Magaalada Marka iyo cabsi xoog badan oo Magaladda ka jirta

Xaaladda Magaladda Marka ayaa lagu soo waramayaa caawa in kacsanaan laga dareemayo, kadib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya, ay isaga bexeen Magaaladda galabta, waxaana la wareegay dagaalayahanada Al Shabab.

Ciidamadii dowladda ee ka baxay Magaaladda, ayaa la sheegayaa in ay u jiheysteen dhinaca Shalambood.

Dadka deegaan ayaa Radio Dalsan, u sheegay in is-bedelka dhinaca maamulka eek u yimid magaaladda in ay ku beertay qal-qali dhinaca ammaanka.

Marka, ayaa waxaa sanadkaan oo keliya isku bed-dedelay gacan ku heynteeda, Al Shabab iyo Ciidamada dowlada soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor