Xalay deegaanka Ari-caddeys ee duleedka degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ku geeriyooday lammaanaayal mudo ku dhow laba todobaad kaliya isqabay,waxana geeridooda sabab u noqday Biriq ku dhacday deegaankii ay ku noolaayeen.
Lammaanayaasha oo lagu kala magacaabi jiray Raage Naanale Aadan Bootaan iyo Faadumo Subeyr Cabdi Cabdulle Hiiro,ayaa xilligii uu robka da’ayay gudaha hooygooda waxaa lagu arkay meydkooda.
Aabaha dhalay Gabadha geeriyooday oo lagu magacaabo ubeyr Cabdi Cabdulle Hiiro ayaa Wareysi uu siiyay caawa Radio Dalsan waxa uu kaga hadlay sida ay dhacdada u dhacday.
Waxa uu sheegay in xilligii uu roobka da’ayay iyaga oo jiifa gurigooda uu hanqar ku dhacay,isla markaana aysan cidi dareemin laakin mudo saacado ah Kadib laga warhelay in Gabdhiisa iyo Ninkeeda ay wada geeriyoodeen.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Gabadhiisa iyo ninkeeda ay mudo kala maqnaayeen iyaga oo isqaba balse hadda mudo todobaadyo ah kaliya ay wada joogeen,isla markaana dhacdada ku dhacday ay tahay Qadar Alle.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Danabka ama Biriqda waqtigi ay dhaceysay ay badi dadka cabsi ay dareemeen.
Dadka ku nool Deegaanka Ari’-caddays ayaa naxdin iyo argagax weyn ka muujiyey Dhacdadaasi, maadaama ay maalmo ka hor ka qeyb galeen Farxadii Galbiska iyo Aqal-galkii ee Lamaanaha xalay ku geeriyooday Biriqdii la socotay Roobkii Mahiigaanka ee xalay ka da’ay Deegaankaasi.
Hoos ka Dhageyso Wareysga oo dhameystiran.