Waxaa lasoo gabagabeeyay wareega koowaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.
Musharraxiinta waxay kala heleen sidatan. Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) wuxuu helay 37 cod, Cabdijamaal Cismaan 15 cod,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 9 iyo Cabdiraxmaan Cali Jibriil wuxuu helay 5 cod.
Waxaa hadda wareega labaad ugu gudbay labada musharrax ee kala ah Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Cabdijamaal Cismaan.
Doorashada wareega labaad ayaa hadda lagu guda galay.