Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa haatan ka socota doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland iyo labadiisa ku xigeen oo ay u sharaxan yihiin ilaa 4 Musharax.
Musharixiinta u taagan qabshada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa haatan khudbado jeedinaya,kuwaas oo kala ah.
Cabdijamaal Cismaan Maxamed ,Cabdixakiin Maxamed Axmed, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,(Dhoobo-dareed),kuwaas oo midkood la filayo in loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.
Amniga Guud ee Magalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana Goobta doorashad aku sugan inta badan Xildhibaanada iyo Xubno ka socda Xildhibaanada Golaha Shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya.