Hoggaamiyaha Aqlabiyadda badan ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale waxa uu si kulul u beeniyey Qoraal uu Qareenka Degmadda FLAMBOYAMT ee dalka Kenya, Donald Kipkorir kaga been sheegay Tirada Soomaalida ku nool dalkaasi iyo inuu Kala-qeybsanaan ka dhex jiro Mujtamaca Soomaalida.
Donald Kipkorir waxa u uBartiisa Twitter-ka ku qoray inay Mujtamaca Soomaalida ku nool gudaha Kenyaa ay tiradoodu ka yar tahay 300,000 oo qof, waa sida uu hadalka u dhigay.
Balse, Aadan Ducaale ayaa beeniyey hadalkaasi, wuxuuna tilmaamay in Soomaalida ku nool Kenya ay tiradoodu ka sarreyso 3 million oo qof.
Dhinaca kale, Donald Kipkorir waxa uu qoray in Soomaalida la mid yihiin dadka u dhashay dalka Qatar, isla markaana aysan weligooda oggolaanin in caliyaan Kala-qeybsanaantooda Siyaasadda, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda badan ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale o oah Xildhibaanka laga soo doorto Degmadda Garissa waxa uu Donald Kipkorir faahfaahin ka siiyey Taariikhda Asaasiga ee dadka Soomaalida, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dadka Soomaalida 65% ka yihiin dadka ku nool Geeska Afrika.