Ciidamo isugu jiro Soomaali iyo Mareykan oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose

Ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Gobolka Shabellaha hoose iyo ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Macalinka oo ka tirsan Gobolkaasi Shabellaha hoose.

Deegaanka Macalinka ayaa wuxuu u dhaxeeya Deegaanka Bariire iyo Magaalada Afgooye, waxaana halkaasi lagu dilay Shan ruux.

Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegaysaa Shanta ruux ee la dilay inay yihiin dad shacab ah oo beeraley ah waxayna intaasi hadalkooda ku darayaan in Shanta ruux ay la socdeen cagaf cagaf khudaar siday, balse si gardaro ah loo dilay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa dhankooda sheegaya dadka la dilay inay yihiin Shabaab, islamarkaana ay jiraan saddex ruux oo dhaawac ahaan ciidamada ay u soo wateen.

Ka sokoow sheegashada labada dhinac ee ah in halkaasi lagu dilay dad shacab ah iyo sidoo kalena lagu dilay ciidamo Shabaab ah ayaanan waxaa jirin ilo wareedyo madax banan oo si rasmi ah u xaqiijinaya dadka meeshaas lagu dilay waxa ay yihiin.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Somalida ee hawlgalada qorsheysan ka fuliya Gobolka Shabellaha  hoose ayaa beegsada deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobolka Shabellaha hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media