Wararkii ugu danbeeyay Dibedbaxayaal Maanta lagu dal-dalay Iiraan  

Warbaahinta dalkaasi ayaa shaacisay in 2 Nin oo ka mid ah Dibadbaxyaasha maanta la daldalay, kadib, markii lagu soo oogay inay Askari lagu magacaabi jirey Ruxullaahi Cajamayn ku dileen degmadda Karaj oo u dhow Caasimadda dalkaasi ee Tehran bishii November 3-dii ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Wakaallada Wararka ee Hay’adaha Garsoorka Iran ee Mizan Online ayaa waxay sheegtay in Askari ay Eedeysanahaasi dileen uu ka tirsanaa Ciiddanka Baij oo si Mutadawacnimo ula shaqeeya Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran.

Wakaallada ayaa waxay magacyadda Ragga maanta  la daldalay ku kala sheegtay  Maxamed Mehdi Karami oo 22 jir ahaa iyo Sayid Maxamed Xuseyni oo 39 jir ahaa.

Daldalaadaasi waxay Tirada dadka loo daldalay Dibadbaxyadii ka dhacay dalkaasi ka dhigaysaa 4 qof.

Dibadbaxyada rabshadaha wata ayaa waxaa ay dalkaasi ka bilowdeen Bartamihii bishii September ee sanadkii hore ee 2022-kii, kadib, markii Haweeney lagu magacaabo jirey Mahsa Amini oo 22 jir ahayd ku dhintay gacanta Ciiddanka Anshaxa ee dalkaasi.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: