Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo ka dhacay Duleedka Laascaanood

Dagaal u dhexeeyay ciidanka maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC ayaa saaka ka dhacay dhinaca bari ee Duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Sool, dagaalka ayaa lasoo weriyey inuu ahaa mid xooggan oo hub culus la isku adeegsaday.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka dhacay uu marka hore ka bilowday weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen saldhigyo ciidanka SSC ay ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Maraaga oo hoostaga Laascaanood, dagaalka ayaana socday saacado xiriir ah

Ciidanka SSC ayaa iska caabin xoog leh ku sameeyay weerarkii ay soo qaadeen Milateriga Somaliland, sidoo kale dagaalka waxaa barbar socotay madaafiic ku hoobaneysay aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda.

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, dhinacyada ay dirirtu dhexmartay Ayaan weli ka hadal dagaalka, iyadoona ay weli cakiran tahay xaaladda.

Si kastaba, bilihii  lasoo dhaafay xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta, sidoo kalena ay wadeen dhaq-dhaqaayo ciidan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor