Wararkii ugu danbeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka mudug

Wararka aan ka helayno Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo u dhexaysa dadka degaanka iyo Al-shabaab ay ka taagan tahay Deegaanka Shabeelow oo Hoostaga Degmada Bacaadwayne ee Gobolkaasi Mudug.

Goobjoogyaal ayaa inoo sheegay in degaanka laga dareemayo dhaq-dhaqaaq ay wadaan labada dhinac, waxaana degaankaas iyo degaanno hoostaga horay uga dhacay dagaallo khaasare badan dhaliyay oo dhexmaray dadka degaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo gacanta ku haya qaybo ka mid ah Gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka mudug ayaa sheegay in uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray Shabaab iyo dadka degaanka Shabeeloow, Guddoomiyaha Bacadweyne axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in wali ay xiisad dagal taagan tahay, waxaana intaas uu ku daray in Al-shabaab ay ka bexeen degaanka.

Waxaa lasoo sheegayaa in dagalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay xalay gudaha usoo galeen degaanka, kadibna ay Miinooyin ku aaseen sida uu sheegay guddoomiyaha Degmada, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay Qaarxyadaas labo ruux oo shacabka degaanka ah.

Ciidanka amaaanka ayaa la sheegay in ay gaareen degaanka, iyagoo sameeyay Miina baaris, waxaana Guddoomiyuhu uu sheegay in ay Ciidanku Miinooyinkii  ka saareen goobihii horay ay Al-shabaab ugu aaseen.

Shabeelow ayaa horay waxaa uga dhacay dagaalka u dhexeeya Al-shabaab iyo dadka degaankaas, waxaana horay degaankaas ugu baxay mas’uuliyiin ka tirsan maaamulka Galmudug oo gurmad gaarsiiyay dadka degaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media