Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabba-gal ah oo Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday Kolonyada ay la socdeen Ciidanka xili ay socdaal ku marayeen inta u dhxeeysa deegaannada Calamada iyo Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerar kadib halkas uu ka dhacay dagaal kooban oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo ragii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan.
War qoraal ah oo lagu daabacaday baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkii Maanta lagu qaaday Ciidanka dowladda, iyagoona sheegtay in halkaas ay ku dileen 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka, halka tirro kalena dhaawac uu ka soo gaaray.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ay uga hadlayaan weerarkii dhabba-galka ahaa ee lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda.