Sidee loo soo Afjaray Weerarkii AL-Shabaab ku Qaaday Guri ku yaalla degmada Cabdicasiis?

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar dagaalamaayasha AL-Shaabab ay ku qaadeen Guri Dowladdu ay sheegtay inay ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Weerarka ayaa billawday kadib markii dagaalame ka tisranaa Xubnaha weerarka soo qaaday uu  isku qarxiyay albaabka Guriga, intaas kadibna waxaa billaawday dagaalka.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjarilahaa duullaanka aya soo qaadeen AL-Shabaab.

War-saxaafadeedka kasoo baxay dawladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Dawladdu waxa ay tacsi u dirtay ehelada Muwaadiniintii lagu beegsatay weerarkaas waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta dhaawacyadu soo gaareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor