Duulimaadyadii tooska ahaa ee Uganda iyo Soomaaliya oo dib u bilowday

Duulimaadkii ugu horreeyey oo isku xiraya Muqdisho iyo Kampala oo toos ah ayaa maanta ka biloway Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib muddo bilo ah oo safarka xagga cirka ah ay labada wadan u kala xirnaayeen safmarka cudurka Corona Virus.

Shirkadda diyaaradaha ee ku duusha calanka dalkaas ee Uganda Air waxay sameyn doontaa todobaadkii saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii March ee sanadkii 2020-ka, xilligaas oo inta badan duulimaadyada caalamiga ah ee dunida loo joojiyey saamaynta cudurkan.

Michael Kalisa oo ah maamulaha Taya-dhawrka Uganda Air iyo Gudoomiyaha nidawga duulimaadyada gudaha Cali Axmed Faarax ayaa guul muhiim ah ku tilmaamay dib u soo laabashada duulimaadyadii toos ka ahaa ee isku xirayey Muqdisho iyo Kampala.

Uganda Air ayaa sameeyn doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media