Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Wararka Idacada dalsan aya ka helayso koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ay halkaasi ku toogteen ni la sheegay in uu hubeysnaa.

Wararka ayaa tilmaamaya in ninkaan lagu amray markii hore in uu dhibo qori uu watay hase’aatee uu ka biya diiday iska hor imaadna uu dhexmaray ciidamada iyo ninkaas hubeysnaa kadibna sidaas lagu toogtay.

Ciidamada dowladda ayaa howlgal ka wada dhinaca koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana la sheegay in maalmahaanba ciidamadu ay ku raadjogeen ninkaas la toogtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media