Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo Maanta ka dhacay deegaaanka Weeydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda,isla markaana waxaa uu hareeyay xili uu marayay deegaanka weeydow ee duleedka Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in jugta qaraxa laga maqlay Xaafado badan oo halkaasi ku yaalla,iyadoo intaas kadib ay xigtay rasaas farbadan oo ay rideen Ciidamo kale oo goobta ka Agdhawaan.
Khasaaro iusgu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidamadii gaariga saarnaa,kuwaasi ka yimid dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Sabiid.
Ugu yaraan 3 Askari ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxa,halka 5 Askari kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana dhaawacyada loo qaaday mid kamid aha Goobaha Caafimaad ay leedahay dowladda Soomaaliya ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii Khasaaraha geystay ee lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda,isla markaana ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas Maanta ka dhacay deegaaanka Weeydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.