Ciidanka amniga dowladda Soomaaliya ayaa Caawa Magaalada Muqdisho ku toogtay ruux ku hubeysnaa Bastoolad.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho u sheegay in dilkan uu ka dhacay agagaarla daarta Seybiyano ee Degmada Hodan, isla markaana ruuxa Ciidanka amniga ay dileen uu ahaa mid watay Bastoolad.
Sidoo kale Ninka ayaa inta aan la dilin kahor Ciidamada ay ku amreen in joogsado uuna dhigo hubka, hayeeshee taas uu ka biyo diiday, isla markaana uu cararay, balse markii dambe la toogtay.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa dhowr daqiiqo yaallay Meydka ninka hubeysnaa, kaasi oo markii dambe goobta laga qaaday.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga dhalinyarada ee ku hubeysan Bastooladaha.