Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dilay taliyihii nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.
Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi ku dilay Xaafad ka tiraan Gaalkacyo, isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.
Sidoo kale ragii ka dambeeyay dilka Marxuumka ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa goobta uu falka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan Puntland oo halkaas kasoo qaaday Meydka Marxuumka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Caawa howlgalo ay ka socdaan Xaafado ka tirsan Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland, kuwaasi oo lagu raadinayo ragii fuliyay dilkii halkaas ka dhacay.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada falka lagu dilay taliyihii nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland.