Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Caawa waxaa kulan ku yeeshay Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada Puntland.
Sidoo kale Shirka ayaa intii uu socday waxaa Golahu ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowlad Goboleedka Puntland ee sanadka Cusub ee 2020-ka oo dhan $346,416,158.99.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka hadlay amniga deegaanada maamulkaas iyo sidii lagu hormarin lahaa qorshaha lagu sugayo amniga Puntland, isla markaan waxaa kaloo Shirka looga hadlay arrimo kale.
Si kastaba Shirkan Caawa ay yeesheen Golaha Wasiirada Puntland ayaa laga soo hor mariyay waqtigiisa caadiga ee loogu talagalay in Shirka Golaha la qabto, kaas oo ahaa maalinta Khamiista ah.