Wararka aka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa tilmaamaya in gordhow halkaasi ay ka bilowdeen kulamo Siyaasadeed oo looga ahdlay khilaafka dhinaca maamulka ee ka taagan gobolka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankaan oo ay qeyb ka yihiin Odayaal dhaqameedyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Saraakiil ka kala socota AMISOM iyo dowladda uu ka socda xarunta maamulka gobolka oo ciidamo taabacsan guddoomiyaha cusub ay saqdii dhexe ee xalay ay la wareegeen.
Kulankaan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in looga ahdlayo khilaafka ka dhashay diidmada xilka-qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo dhawaan xilka laga qaaday iyada oo kulanku uu yahay mid xasaasi ah.
Dhowr jeer ayaa la isku dayay in la xaliyo khilaafkaan iyada oo intii jeer ee la isku dayayna ay fashil kusoo wada dhamaadeen,waxaana kulankaan socda uu kusoo beegmayaan xilli ciidamo daacad u ah guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ay xlay howlgal kula wareegeen xarumaha maamulka gobolka hiiraan oo maalmahaan uu ku sugnaa guddoomiyihii hore.