Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Alshabaab ayaa xalay dagaal culus waxa uu ku dhex maray duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dambeyay kadib markii ciidamada dowladda fedraalka gaar ahaan guutada 14-ka Octoobar ay weerar ku qaadeen deegaanka Jilib Marka oo Alshabaab ay ku leeyihiin saldhig weyn.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkaas oo socday ku dhawaad saacad iyo bar,iyada oo markjii dambana ay dib deegaanka ay uga soo laabteen ciidmaada Milatariga.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen meydka ku dhawad 5-dagaalame oo ka tirsan Alshabaab,dhinaca kalana xaladda deegaanka ayaa saakay aad u degan marka laga soot ago dagaalkaas xalay dhacay.