Waxaa isi soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo beelo walaala ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Gal-gaduud kuwaas oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.
Odayaashan oo kulan ka yeeshay xiisadda soo cusboonaatay ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay joojiyaan dirirta xal kalana lagu raadiyo tabashooyinka ay kala qabaan labada beelood.
Dagaal shalay ka dhacay deegaano hoos taga degmada Balan-bale ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh,waxaana saakay xasilooni laga dareemayaa deeganadaas.
Waxa ay ku soo aadayaan dagaaladaan xili shirka di u heshiisiinta beelaha dega Galmudug uu ka socdo magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-gaduud,hase yeeshee waxaa loo diray baaq ku aaddan dhinacayada joojinta dagaalada.