Xuutiyiinta oo Qabsaday fariisimo ku yaalla Sacuudiga

Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa baahisay inay Maleeshiyaddu la wareegeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee K/Galbeed Sacuudiga, kuna dhow xuduudka dalka Yemen.

Xuutiyiinta waxay sheegeen inay iska hor yimaadeen Ciiddanka Dowladda Yemen ee ku sugan Xuduudka Najraan, halkaasina ay ku dileen Taliyihii Ciiddankaasi iyo Askar kale, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Maleshiyaddu waxay sheegeen inay 4 Askari oo u dhalatay dalka Sudan ka mid ah Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga ku dhawaceen dagaal ka dhacay Bariga deegaanka Al-duud ee Xuduudka Sacuudiga.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Carbeed weli kama hadlin sheegashadda Kooxda Xuutiyiinta inay ku qabsadeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee Sacuudiga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media