Wasiirka Caafimaadka ee dalka Urdun, Nadiir Cabiidaat ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkaasi, kadib, markii ay 8 Bukaan oo la xanuunsanaa COVID 19 ugu geeriyoodeen Isbitaalka Guud ee Alsulda oo ay Dowladda maamusho.
Bukaanadaasi waxaa la sheegay inay u geeriyoodeen Ogsijiin la’aan ka dhacday Isbitaalkaasi.
Wasiirka waxa uu Warqadiisa Is-casilaadda u gudbiyey RW dalkaasi, Bashar Al-khasawanaat, oo isagana ku amray Xeer-ilaalinta Guud ee dalkaasi inay furaan Baaritaan la xiriira cidda qaadayso mas’uuliyada Bukaanadda u geeriyooday Ogsijiin La’aanta.
Dhinaca kale, Boqorka Urdun, King Abdalla Bin Hussien Al-dalaala (Abdalla Thaani) waxa uu si degdeg ah u tegay Isbitaalkaasi, isagoo amray inuu is-casilo Agaasimaha Guud ee Isbitaalkaasi, Dr. C/risaaq Al-Khasmaant.
Sidoo kale, Boqorku waxa uu amray inuu is-casil;o Wasiirka Caafimaadka oo lagu eedeeyey Dayacaadda Bukaanada la il-daran COVID 19. Boqolaal qof ayaa isugu soo banbaxay nawaaxiga Isbitaalka, iyagoo carro ka muujinaya Geerida ku timid Bukaanada u geeriyootay Ogsijiin La’aanta.