Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta la kulmay Musharax Madaxweyne

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo degan xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyagoona ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada oo aan heshiis laga gaarin.

Madaxweynaha Jubbaland oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in saamileyda siyaasadeed ee dalka ay muhiim u yihiin  socodka Doorashada iyo shirka Madaxda ee lagaga hadlayo doorashada ee dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

“Saamileeyda Siyaasada dalka waxay muhiim u yihiin geedi socodka Doorashada iyo shirka lagaga hadlayo ee dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho. Waxaan arimahaas ka sheekaysanay musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim oo kamid ah tartamayaasha xilka Madaxtinimada dalka” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maadxweynaha Jubbaland ayaa inta ku sugan yahay Caasimadda dalka ee Muqdisho kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada Rayidka, isagoona ka qeyb geli doono Shirka Madaxda eek a dhacaya Xerada Xalane.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor