Wasaarada Caafimaadka Puntland oo soo saartay Digreeto lagu mamnuucayo Xayeysiiska Dhakhaatiirta iyo Xarumaha Caafimaadka oo aan ogolaansho ka haysan Wasaaradda iyo Ururka dhakhaatiirta Puntland.
Wareegtadaan oo sigaar ah ugu socota Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa waxaa lagu amray ianysan baahin Xayeeysiinta loo sameynayo Xarumaha Caafimaad eek u yaalla deegaanada Puntland.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay Wareegtada in Warbaahintii amarkaan aan fulin ama ka dhega-adeegta in tallaabo Sharci ah laga qaadi doono,iyada oo sababta arrintaan lagu sheegay inay ku timid kadib markii ay badatay baahinta xayeeysiinta Dawo iyo Dhaqaatiir aan sax aheyn.
Hoos Ka Akhriso Wareegatda ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka Puntland.