75 qof oo ku dhintay dibad-baxyada ka dhashay dilkii Mahsa Amini

In ka badan 75 qof ayaa ku dhintay howlgallada ay Iran ku xakameynayo dibadbaxyo socda maalinkii 11-aad oo ka dhashay dilka gabar lagu magacaabay Mahsa Amini, waxaa sidaas sheegay hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Warbixintan ayaa imaneysa ayada oo dalalka Reer Galbeed ay ku cadaadinayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah inay soo afjarto rabshadaha.

Tirada dhimashada rasmiga ah ee mas’uuliyiinta Iran ay sheegeen ayaa taagneyd 41 qof tan iyo Sabtidii, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada ammaanka, xilli dalka ay gilgileen dibad-baxyadii ugu xoogganaa ee muddo saddex sano ah.

Dibad-baxayaasha ayaa mar kale qaaday waddooyinka habeenkii Isniinta – si la mid ah sidii ay sameynayeen habeen kasta tan iyo dhimashadii Amini oo dhacday 16-kii September.

Mahsa Amini ayaa loo xiray inay jebisay xeerarka adag ee dalkaas u yaalla ee ku saabsan xirashada xijaabka, waxayna ku geeriyootay gacanta booliska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor