Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta Magaaladaa Garoowe waxaa ay ku yeesheen Fadhiga 28-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha, waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa Dib-u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD), isla markaana Golaha waxaa horyimi Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).
Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa ka dhageystay warbixinta Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ka dibna su’aallo weydiiyay arrinta Dekadda Boosaaso.
Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL ayaa yeeshay dood, ka dibna waxaa cod loo qaaday dib u dhigista qodobka Ajandaha ee Dib u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD) illa Kalfadhiga 47-aad.
Fadhiga oo ay joogeen 48 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 35 Xildhibaan, Diidmo 3 Mudane, Aamus 10 Mudane.