Wararkii ugu dambeeyay Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Garoonka diyaaradaha Waqooyiga Gaalkacyo.

Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa xaafad ka tirsan Gaalkacyo ku dilay Sarkaalka oo kamid ahaa Shaqaalaha Garoonka diyaaradaha, waxaan dilka loo geystay kasoo baxaya warar kala duwan.

Sarkaalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Xuseen Xaaji (Faray), waxaana ragii toogtay ay ku baxsadeen sida la sheegay  luuq yar oo ku yaallay agagaarka halka uu falka ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa howlgal kala duwan ka wada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku baadi goobaya ragii dilka u geystay Marxuum Cismaan Xuseen.

Amniga Waqooyiga Gaalkacyo ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya,  waxaana halkaas kusoo badanaya falalka amni darro, waxaana dhawaan halkaas qarax ka dhacay lagu dhaawacay Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland.